LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Erayo jacayl 2025

Geraar jacayl oo gaarayo 200+


Erayo jacayl 2025


Geeraar Jaceyl ah oo gaaban qeybtii koowaad

• Qurux lagu daray hanaan

• Heybad lagu helo amaan

• Aqoon lagu saday hafnaan

• Naxariis hiil iyo mudnaan

• Hodannimiyo gacan furnaan

• Milgeyn hooyiyo samaan

• Canabaa hablaha dhamaan

• Aduunyada u ah hoggaan.

Geeraar Jaceyl ah oo gaaban qeybtii labaad

• Hadii shinidu Ogaan lahayd

• Macaanka labadaada dibnood

• Malabka weey ka soo tagi lahayd

• Oo dibnahaaga ayeey ku noolaan lahayd



Geeraar Jaceyl oo calaacal ah

• Garab baan kaa rabaa

• Gacal aan wadaagnoo

• Galabtii alle keeno

• Garbahaan isku hayaa

• Gargaar ii fidi

• Haddaan ku waayo habeenkii

• Hurdo waan ka quustaa

• Harsina warkeed daa

• Halbowlihii dhiigga sidey iyo

• Hungurigaa I istaagey

• Hamuun baa ii heysee

• Hal mar ii imow

• Adaan kuu hilboobee

• Intaan illka lay dhigin

• Intaan alwaaxa laygu xirin

• I saar sambabada agtoodiyo

• Saableyda caloosha

• Si uun aan u maqsuudo

• Sahal ma ahan caashaq

• Sidaan ha ii gelin



Mar hadduu ku saago

• Wadnahana surnaado

• Suuradaada wacan baa

• Saqda dhexe habeenkii

• Sahwi baan dareemaa

• Siduu ii saaqay daranaa

• Sida aan u surnaa

• Saqdi dhexe habeenkii

• Barbarkaan u jiifsado

• Baryo ka soo kici maayo

• Bogga iyo calooshiyo

• Beerkaa la iiga badan yahay

• Bartaada hadaan arko

• Bisha afar iyo tobnaad baa

• Ber walba ku moodaa

• Bilicdaada wacan baa

• Bartamaha habeenkii

• Bilicsami u eegaa

Qish halkaan ka baro: Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh

Geeraar Jaceyl qof kugu cusub

• Haddaan hawada kaa arkey

• Hungurigii oo idil

• Hami waan u waayey

• Hilow caahaq baan hiigsadaa

• Ma hurdo habeenkii

• Halbowlihii dhiigga wadey iyo

• Hagihii nafteydaa adigaan kuu hibeeyee

• Haddan adiga ku helin

• Hubaal waxaa ah

Post a Comment

0 Comments