Dhambaal jacayl oo qurxoon 2025
Geeraar jaceyl oo xul ah
• Laba dhoof ku kala maqan
• Midba dhinac ku noolyahay
• Isku Qaba jaceyl dhab ah
• Dhambaal leysku diro
• Dhiiri galin ku wada nool
• Dharaarteey kulmayaan
• Soo dhawee Allahayow
Geeraar Caashaq Oo Codsi Ah
• Hamigii nafteydaay
• Haween boqoradeedaay
• Haasaawe taan wadaagnee
• Hami guur u qaaday
• Hooy inaan wada galnoo
• Hanad ii xanbaartaan
• Haminayaaa macaaneey
• Hadal aan dhameeyee
• Howsha ila qabo oo
• Hamigeyga ii rumee
• Haween boqoradeedaay
• Hubaal waan ku sugayaa
• Hanti tan Ugu qaalisaney
• Hadal aan dhameeynee
• Howsha ila qabo oo
• Hamigeyga ii rumee
Geraar jacayl romantic ah
• Kalgaceyl ma ku wada aqal galnaa
• Caashaqana wada doogsanaa
• Muxibada ma wada diirsanaaa
• Dareenka maku wada dalxiisnaa
• Farxadda ma wada daadaheynaa
• Danta meel ma u wada jiheynaaa
• Jaceyl ma wada xusnaaa
• Habeen, maalin iyo xili walbaaa?
Geeraar Jaceyl soo jiidasho leh
• Macaneey noloshu la,aantaa
• Waa Pizza bilaa jiis ah
• Noloshu la,aaantaa
• Waa Baasto bilaaa suugo ah
• Quruxeey noloshu la,aantaa
• Waa bariis bilaa moos ah
• Qalbiyeey noloshu la,aantaa
• Waa bilaa dhadhan
• Waan ku jeclahay.
0 Comments