Heesta "Dhakhtarkii Jacaylka" ee uu qaaday Maxamed Siciid BK waa mid ka mid ah heesaha jacaylka ee aadka loo jecel yahay. Halkan waxaa ku qoran ereyada heesta:
Dhakhtarkii Jacaylka
Markaad kugu dhawaataa
Dhibaatadu i daysaa
Markaad iga dhaqaaqdaau
Wadnaha la i dhufanayaa
Waxaan la dhuubtee
Dadkii iga dhexsaaray
Kaligay i dhigay meel
Dhabtii caashaq weeyee
Dhibaatada taal aduunka
Horeba looga dheefi waaye
Intaan la ina kala dhantaalin
Waayuhu ina kala dhirbaaxin
Aniga caashaqu i dhuuxin
Ii noqo dhakhtarkii jacaylka
Sida dhibica roobkiyo
Cadceed dhalatay waabari
Dheehaagu inanyahay
Dhulka uu ifanayaa
Jeer aanay dhaayuhu
Dhuuxin ku qabanayn
Xiliyada dharaaraha
Socodkoodu dheeraa
Dhibaatada taal aduunka
Horeba looga dheefi waaye
Intaan la ina kala dhantaalin
Waayuhu ina kala dhirbaaxin
Aniga caashaqu i dhuuxin
Ii noqo dhakhtarkii jacaylka
0 Comments