Qoraalo geeraar iyo erayo jacayl
Boqoradayda Dadka waxay ku arkaan qof kaliya Ikn aniga aduunkeyga
oo dhan baa tahay gacaliso
"QosoLkagu macan
• Igu fiLan quud La ii keeno
• Qudhaadu hanti igu
• Roon qaadir hibadise
• Qamuunyadu Laaanta
• Qiiro gaLi maanka
• Qirtay oo jacayL ba
• I haya aanan garinayne
• Qab_qabyada dareenka i baday
• Qarawga awgaaye
• Maqnantadu wa i qisaas
• NoLosha quustayda
• Qumaney xageed iga jirta
Qaaradan joogo"
Geeraar qurxoon oo jacayl ah
Sahal maahan caashaqu
Mar hadduu ku saaqo
Wadnahana surnaado
Suuradaada wacan baa
Saqda dhexe habeenkii
Sahwi baan dareemaa
Siduu ii saaqay daranaa
Sida aan u surnaa
Saqdi dhexe habeenkii
Barbarkaan u jiifsado
Baryo ka soo kici maayo
Bogga iyo calooshiyo
Beerkaa la iiga badan yahay
Bartaada hadaan arko
Bisha afar iyo tobnaad baa
Ber walba ku moodaa
Bilicdaada wacan baa
Bartamaha habeenkii
Bilicsami u eegaa
Hadii aan awoodo in aan ku hadiyadeyo qalbigayga si uu kugu sheego ilaa inta uu ku jecelyahy wan ku siin laha balse ma awoodo, ma awoodo waxan ahen in aan kalmado ahan kugu sheego, waxan rabay in aan ku sheego in aan just ka fikirayay sido kale an ku xiisey taana waxa kasi muhiimsan in an ku sheego in an said ku jeclahay
lays shumac baxaayoo
Iftinkii nalkaa tahay
Ubax soo dilaacoo
Aroor jooga baa tahay
Neecow udgoon iyo
Saxansaxo ayaa tahay
Garaad aaqil sare iyo
Dhal ugaas ayaa tahay
Bogortooyo aadmiga
Marwo Edeb leh baa tahay
Riyadii lasugayee
Lagu diirsadaa taha.
Amaan jacayl oo qurxoon
Wanaaga adaa lahaa
Waanada igu deeqay ee
Waxaad shalay iga heysaa
Walaac igu haayo maanta
Warkaaga kolkii an waayo
Warwarka nolashee galaayo
Wadnaha dhaqsa adi ku tabo
Waanad u dhaweyne qaaali
Walee waan hubi ogsooni
Adaa waaxyaheyga dagaye
Wadkaan sugi ee hablaha
Adaan wacaneey ku rabay
Hadaad iga weecatayna
Wanaag baa kuuba dhaafay
Nolasheyda waxan rabaa markaa xanuun sato inaan, wehel kuu ahaado marka gajooto, inaa gacantayda kugu silyo waxaan
rabaa markaa dhibaato ku jirto inaan kula qeebsado waxn rabaa marka ilmeynaysid inaan ka tiro ilmada lakin waxaad iga baln qadaa markaa ku xanaaqo inaad labtaada igiliso, wayoo waxan daremaa deg naasho iyo farxad laabtadi waxey ii tahay aniga
deganaan teyda .
ii dulqaado waqtiyada igu
adag wayo ma jirto wx iga murugo badan inan adiga ku waayo .
0 Comments